18 TALO OO KU SAABSAN BARBAARINTA CARUURTA
Caruur barbaarintu waa xirfad ay waariddiintu is dheer yahiin. Sida xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: “Qof waxuu bixiyaa, waxuu hayo!”. Sidee ayuu waarid ilmahiisa si wanaagsan ugu barbarian karaa, hadii aanu ogayn ama aqoon waajibka saran?
Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmahu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waaridiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn barbaarinta haboon ee caruurta. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jiro bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhalintaa aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba.
Halkaan waxaad ka helaysaa talooyin kaa caawiya sidii aad u barbaarin lahayd caruur ku korta mabaadi’da Islaamka.
18 TALO
18 TALO







8- U tus in ilmahu qof muhiim ah yahiin: Arimaha qoyska kala tasho. Ha dareemeen in ay yahiin xubin muhiim ah oo qoyska ka tirsan; qaybna ay ku leeyahiin talada wanaagga iyo horumarka qoyska.
9- Qoysku waa inuu is raaco: marka aad meel aadaysaan, halkii ay ilmahu saaxiibadood la socon lahaayeen, adiga iyo qoyska ha idinla socdeen (waayo inta caruurtu saaxiibadood la socoto, dhaqan xumooyin ayay ka baran karaan). Caruurtaadu ha ku dhexjiraan qoyska iyo saaxiibo wanaagsan oo aad ogtahay in wax xun aanay ka baranayn. Xasuusnow in caruurtaadu ay la midnoqonayso dadka ka agdhow oo ay raac-raacaan. Marka iska jir kuwa ay saaxiibka la yahiin, waxaana sidoo kale muhiim ah inaad ADIGU la socoto caruurtaada.
10- Amaan ilmaha: Amaantu waa arin caruurta aad muhiim ugu ah, khaasatan dadka hortiisa. Caruurtu qabkooda ayaa dhisma marka waaridkood dadka hortiisa ku amaano, waxayna isku dayidoonaan inay wanaaggaa sii wadaan. Hase ahaatee, waa in amaantu ku salaysan tahay dhaqamada Islaamka waafaqsan iyo falalka dhaqan wanaagga ah.
11- Ilamaha ha fadeexayn: Sidoo kale, dadka hortiisa ha ku fadeexayn. Caruurtu qalad way sameeyaan. Mararka qaarkood waxay qalad sameeyaan, iyaga oo isku dayaya inay waaridka raali galiyaan. Hadii aad caruurta u caraysan tahay si khaas ah kaligood ugu sheeg.

13- Mas’uuliyad: Kalsooni ku qab in ay caruurtaadu wax qaban karto. Udhiib howlo ku haboon da’da ay ku jiraan. Usheeg inay shaqo muhiim ah kuu qabanayaan, waxaadna arkaysaa iyaga oo isku dayaya inay mar kale ku caawiyaan.


15- Saaxiibtinimo u dhaqan, laakiin saaxiikood ha noqon: Waxaa inta badan dhacda in reer Galbeedku ay caruurtooda ula dhaqmaan sidii inay saaxiibo yahiin. Islaamka dhexdiisa, taasi macquul ma ahan. Hadii aad waligaa maqashay saaxiibo wada hadlaya, waad garan kartaa waxa ay ka wada hadlaan; hadaba waad ogtahay in sidaasi aanay ahayn sida waaridka iyo ilmahiisu u wada hadli karaan. Adigaa waaridkii ah, waana in ay ku ixtiraamaan, waana inaad taas barto. Saaxiibtinimadu waa inay ku ekaataa in adiga iyo caruurtu ay si kalsooni ah u wada hadli karaan, si ay walwalkooda kuugu sheegtaan ama ay su’aalo kugu waydiiyaan makra ay rabaan.



18- Tusaale u noqo: Maadaama aad waarid tahay, waxa aad tahay tusaalaha ugu haboon ee caruurtu ku dayato. Hadii aad waaridkaa si xun ula dhaqanto, caruutaada ka filo inay adigana sidaa oo kale kuula dhaqmayaan. Hadii aad dadka kale aadan xushmayn, caruutaadu way kugu dayanaysaa. Islaamka waxaa ka buuxa waanooyin badan oo xag Rabi (swt) ka yimid oo ku baraya sida caruurta loo barbaariyo. Waxaa waajib waariddiinta saaran ah inay noqdaan Muslimiin wanaagsan, si caruurtoodu ugu dayato. Hadii aadan adigu diinta ku dhaqmin, caruurtaaduna muhiim u arki mayso. Waxay ku noqonaysaa qodobkeenii 6-aad oo ahaa in loo yeelo halyeeyo Muslimiin ah oo ay ku daydaan. Maadaama aad adigu waaridkii tahayna waa in aad noqotaa halyeeygii ugu horeeyay ee ay Islaamka uga daydaan.

Talooyinkaan aan soo koobnay waa dulmar, laakiin waxaa haboon hadii aad rabtid in ilmahaagu aakhiro iyo aduunkaba ku anfacaan, dad Muslimiin ah oo ay bulshadu wanaag ka sheegtana ay noqdaa, inaad fadlan barato casharada iyo buugta diiniga ah ee tarbiyada caruurta ka hadlaya; waa waajib ku saaran! Ujeedada ilmaha loo dhalayana ma ahan tiro ee waa inay noqdaan kuwo tayoleh, si ay kuu anfacaan aakhiro iyo aduunkaba. Maanta waxaa badan dadka carabka ku dhufta tirada caruurtooda, iyaga oo inta badan hilmaama in tayaduna muhiim tahay! Caruurtu waa amaano Ilaahay (swt) noo dhiibay. Waxaan ku barbaarin karnaa inay noqdaan dad Muslimiin ah oo sharaf leh, ama waan dayici karnaa oo waxaan ka dhigi karnaa dad aan wax qiimo iyo sharaf ah lahayn, oo diinta, bulshada iyo magaca qoyskaagaba fadeexo ku ah. Muhiimnimada waaridku intaas ayay le’eg tahay. Mas’uuliyaddaasi Aabaha iyo hooyadaba waa saaran tahay, oo ma ahan mid hooyada ama aabaha oo kaliya lagu halaynayo. Caruurta ay dhaleen waariddiin tarbiyadda saxda ah yaqaana waxaa la gartaa marka ay bulshada soo dhexgalaan; halka kuwa waaridkood dayacay oo aan wax aadaab ah la barin ay bulshadu ka dayriso…. Hadaba walaal, maanta bilow inaad mas’uuliyadda Ilaahay (swt) ku waydiindoono aad ka soo baxdo! Hadii qoys walba caruurtiisa ku dadaalo, waxaa soo baxaya bulsho hagaagsan, taasina waxay dhalaysaa Ummad Muslimiin ah oo hagaagsan.
“Caruurtu waa nimco Ilaahay ku siiyay ee si wanaagsan u dhowr!”
PLEASE FEEL FREE TO COMMENT ABOUT THIS BLOG.
FADLAN, FIGRADDAADA KA DHIIBO BLOGGAN!
PLEASE FEEL FREE TO COMMENT ABOUT THIS BLOG.
FADLAN, FIGRADDAADA KA DHIIBO BLOGGAN!
Masha'Allah, this is great!
ReplyDeletemasha allah i loved reading this may allah reward you bro
ReplyDelete