Sunday, January 23, 2011

CUNNO CAAFIMAAD LEH CUN!









Qof waliba waxa uu u baahan yahay inuu wax ka barto noocyada kala duwan ee cunada. Bulshada Soomaaliyeed si gaar ah ayay ugu baahan tahay inay wax ka ogaato cunooyinka caafimaadka leh iyo sidii qofku u qaadan lahaa. Cunada noocyadeeda oo aan aqoon loo lahayn waxay ku keeni kartaa cuduro iyo macaluul ay ka midka yahiin: Cudurada caloosha, dhiig karka, kaadi macaanka; nafaqo xumida iwm. Caruurta iyo dadka waawayn ee cuno qaadashadoodu ay qaldanto ayaa inta badan keenta: Cidiro, koriin la’aan caruurta ama miisaanka qofka oo xad dhaaf noqda.
Hadaba wax ka badal cuno qaadashada naftaada, caruurtaada iyo qoyskaagaba, si koritaanka, caafimaadka iyo shaqada jirkuba u wanaagsanaadaan!

Saddex-xagalka Cunada:
Cunnadu waxay ka kooban tahay lix kooxood oo kala ah:
Cunnada wayn (Bariis, baasto, baradho, rooti, boorash, canjeelo, soor iwm)
Furuut (Tifaax, liin, bambeelmo, saytuun, moos, cananaas iwm)
Qudaar (Yaanyo, komkomar, bocor, qajaar, bagal, ansalaato iwm)
Hilib (Hilib, kaluun, digaag, ukun, digir, lowsaska iwm)
Caano (Caano, yogar, farmaajo iwm)
Dux (Saliid, subag iwm)
Hadaba si aad u hesho nafaqooyinkii jirkaagu u baahnaa, shaqada iyo koriinka jirkuna u fiicnaado, qayb walba ka isticmaal RIDITAANKA soo socda. Halkii RIDID waxay u dhigantaa hal sacab ama baradho meel dhexaad ah:







= 1 RIDID = “Hal sacab ama hal baradho oo meel dhexaad ah”

SIDAN U QAYBI CUNADA AAD HALKII MARBA QAADANAYSO:
In yar ka isticmaal: subagga, saliidda, iyo macmacaanka
2 - 3 Ridid: Kooxda Caanaha: Caano, Yogar, farmaajo
2 - 3 Ridid: Kooxda Hilibka: Hilib, Digaag, Kaluun, Digir, Ukun, iyo lowsaska
2 - 4 Ridid: Kooxda Furuutka
3 - 5 Ridid: Kooxda Qudaarta
6 - 11 Ridid: Kooxda Cunnada wayn: Rooti, Boorash, Bariis, Baasto

No comments:

Post a Comment